Ilaa 4 baabuur oo kuwa xamuulka ah ayaa ku burburay weerarkaas cirka oo maanta ka dhacay deegaanka Shabbaax oo udhow degmada Dhoobley.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in baabuurta la duqeeyey ay lahaayeen dad shicib ah, halka afhayeenka DKMG ee deegaamada Jubbooyinka ayaa sheegay in baabuurta uu lahaa ururka Alshabab oo deegaanka ka dagaalama.
Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.