Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US: Congresska oo la Weerari Gaaray


US: Congresska oo la Weerari Gaaray
US: Congresska oo la Weerari Gaaray

Masuuliyiinta Federaliga ee Mareykanka ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen nin ay ku sheegeen inuu doonayay inuu weerar aragagixiso ku qaado dhismaha congresska Mareykanka ee Capitol Hill loo yaaqaan ee ku yaala magaaladan Washington.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ninkan la tuhunsanyahay, oo 29 jir ah una dhashay Moroco, uu doonayay inuu isticmaalo wax uu moodayay iney ahaayeen walxaha qarxa, si uu ugu weeraro dhismaha Congresska.

Waxey sheegeen in waxyaabahaasi Qarxa ay horey uga dhigeen kuwo aan shaqeyeeneyn hay’adaha sirdoonka, isla markaana aysan Qatar ku heyn shacabka mareykanka.

Booliska gaarka ah ee ilaaliya dhismaha Congresska ayaa sheegay in ninkan oo lagu sheegay magaciisa Amine El Khalifi, la qabtay ka dib markii muddo dheer ay baaris ku hayeen oo ay daba socotay laanta Dhexe ee Dambi baarista Mareykanka ee FBI.

waxaa lagu soo waramayaa in ninkan la qabtay uu dalka Mareykanka ku joogay sharci darro, welina lalama xiriirinin ururka Al-Qacida.

Xarigga ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii nin u dhashay dalka Nigeria lagu xukumay Xabsi daa’in dalkan Mareykanka, isagoo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu soo rido duulimaad dayuurad uu u kala gooshayay magaalada Amsterdam ee Dalka Netherland iyo Mareykanka, maalintii ciidda masiixiga sanadii 2009kii, isagoo waxyaabaha qarxa ku soo hoos qarsaday nigis uu xiraa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku eedeeyay weerarkaasi fashilmay ee uu fulin rabay Umar Farouk Abdulmutallab Al-qacidada Fadhigeedu yahay dalka Yemen.



XS
SM
MD
LG