Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rayid Iyo Xidlhibaano ku Dhintay Weerarkii Muqdisho


Qaraxa hotel Ambassador
Qaraxa hotel Ambassador

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay dibedda hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, islamarkaana rag hubeysan ay gudhaa u galeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gudaha u galeen Hotel-ka, ayna kula dagaalameen maleeshiyada.

Xildhibaannada Cabdilaahi Xasan Jaamac (Kabaweyne) Iyo professor Maxamuud Maxamed Guure, ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii ku dhintey gudaha Hotelka.

Weriyaha VOA ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof oo weerarkan ku dhimatay.

Hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter ku sheegtay in saddex dabley ah ay weerareen hotelka, islamarkaana mid ka mid ah la dilay halka laba kalena ay hotelka galeen.

Waxay hay’addu sheegtay inay soo geba gebeysay weerarka, islamarkaana la dilay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG