Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKM: Qaraxa Waxaa Ku Dhintay 2dii Qof ee Fulisay


Qarax ayaa ka dhacay meel dibadda ka ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho . Qaraxaasi ayaa dhacay duhuradii maanta sida ay VOAda u sheegeen goob joogayaal.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay weerar ismiidaamin ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan ay shan qof ku dhinteen weerarka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaasha ayaa intaasi ku daray in qaraxa uu dhacay wax yar ka dib markii uu meesha maray Gawaari uu la socday Gudoomiyaha Baarlamanka Sharif Hassan Sheikh Aden, kaasoo xafiiskiisa uu ku yaalo meel ku dhow halka uu weerarka ka dhacay.

Macadda in bartilmaameedka uu ahaa Gudoomiyaha iyo in kale.

Kooxda Al-shabab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda weerarka.

wararka la xiriira qaraxan halkan hoose ka dhageyso

XS
SM
MD
LG