Weerarkan ayaa waxaa inta la hubo ku dhintay hal askri iyada oo ay ku dhaawacmeen afar askari oo ay ka mid yihiin taliyihii qaybta bariga ee boolsika Burco iyo taliyihii saldhiga Burco.
Iska horimaadkan ayaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ahayd ka dhacay bariga magaalada Burco, waxaana sida boolisku ay sheegeen uu bilaabmay ka dib markii ciidamada amaanku ay beegsadeen kooxo ay ku raad joogeen sida ay sheegeen, waxaana kooxdaasi ay isku dayday in ay is difaacaan.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa VOAda u sheegay in ay dadweynuhu taageereen ciidanka booliska, waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.