Baabuurta wasiirada ayaa maraysay wadada Maka Al- Mukarama gaar ahaan meel u dhow Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho
Wasiiradaan oo kala ah Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Cabdi Shakuur, Wasiirka Arimaha Bani Aadanimada Maxamuud Cabdi Ibraahin Garweyne iyo Wasiiru dowlada Gaashaandhiga Yuusuf Indhacade ayaa la sheegay in xilligaasi ay ka yimaadeen dhanka Xarunta Madaxtooyada oo ay ku wajahnaayeen hoyga ay magaalada ka dagnaayeen .
Wasiirka arimaha bani aadanimada Maxamuud Cabdi Ibraahin Garweyne ayaa VOAda u xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay gaariga uu isaga saarnaa oo ugu horeyay gaadiidka ay wasiiradu saarnaayeen , hase yeeshee aanu wax qasaare ah ka soo gaarin marka laga reebo bur bur uu gaarsiyay gaarigiisa,waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in illalada indhacade ay qaraxa ku dhaawameen.
Marka laga soo gudbo waxyeelada qaraxa uu ugaystay wasiirada waxaa sidoo kale ku geeriyooday ilaa 3 ruux oo laba ka mid ah ay caruur yihiin kuwaas oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay sida ay sheegeen dad goob jooga yaal ah.
Wasiiro ka tirsan DKMG ayaa ka badbaaday fiidnimadii xalay qarax Miino oo lala beegsaday gaadiid ay wateen.