Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirro iska casilay Dowladda KMG


Wasiirro iska casilay Dowladda KMG
Wasiirro iska casilay Dowladda KMG

Yusuf Indho-cadde, Maxamed Oomaan iyo Xaashi Macallin oo ahaa wasiirro ka tirsan DKMG ayaa maanta iska casilay dolwadda KMG.

Sadexdan wasiir ayaa iscasilaadooda ugaga dhawaaqay magaalada London iyo Muqdisho. Wareysi ay haddaba wasiiradan siiyeen idaacadda VOA ayay ku sheegeen in sababaha ugu waaweyn ee ay isku casileen ay tahay, iyadoo dowladda KMG ay ka soo bixi wayday howshii loo igmaday.

Wasiirradu waxay sheegeen in dowladda KMG ay ku guuldareysatay fulinta waxyaabihii laga filayay, iyagoo intaas ku daray in sadexda golle ee xukuumadda ee gollaha wasiirada, gollaha baarlamaanka iyo maxkmadda sare-ba ay sadexduba ku guuldareysteen inay wax-qabad muujiyaan.

C/laahi Oomaar, Xasan Macalin iyo Indho-cadde waxay sheegeen in dowladdu ay gabtay rajadii ugu waynayd ee beesha caalamku ay ka qabtay dowladda taasina ay tahay nasiib darro weyn.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiyo uu weriyaha VOA ee Yurub C/salaam Hereri kula yeeshay labadan wasiir Istuudiyaha VOA ee London.

Sidoo kale qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa iscasilaadda wasiiradda iyo saamaynta ay ku reebayso dowladda KMG.

XS
SM
MD
LG