Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Difaaca Suuriya oo la Dilay


Telefishinka dawladda Suuriya ayaa sheegay in ruux isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey dhismaha Amniga Qaranka ee magaalada Dimishiq, qaraxaas oo uu ku dhinta Wasiirkii Gaashaandhigga ee dalkaas Daa’uud Raajxa. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay dhowr sarkaal.

weerarkan maanta oo Arbaco ah dhacay ayaa yimid iyada oo iska hor imaadyo maalmahan ay magaalo madaxda dalka ku dhex marayeeen ciidamada dawlada iyo kuwa falaagada ah.

Isla xiligaas, ayaa Golaha Amaanka ee QM la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u codeeyo qaraar waqtiga loogu dheeraynayo howgalka kooxda dusha ka eegaysa arrimaha dalka Suuriya.

XS
SM
MD
LG