Wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa socdaal aan horey loo sheegin ku tegay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Wasiirka oo u warramay VOA-da ayaa sheegay inuu tagay deegaanada Dhoobley, Luuq-Ganaane iyo Beled Xaawo, isagoona ujeedada socdaalkiisa uu ku sheegay inuu u kuurgalo xaaladda ciidamada dowladda ee dhowaan deegaamadaasi ay kala wareegeen kooxda al-Shabaab.