Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Wasiirro la isku shaandheeyey


Xarunta Puntland
Xarunta Puntland

C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda.

Shir jaraaid oo xarunta madaxtooyada ee Garoowe ay ku qabteen Madaxweyne Faroole iyo kuxigeenkiisa ayaa loogaga dhawaaqay isku-shaandheynta lagu sameeyay gollaha Wasiiradda.

Wasiiradda xilalkooda waayay waxaa ka mid ah Gen. C/laahi Siciid Samatar wasiirkii Amniga, waxaana lagu badalay Gen Yusuf Axmed Khery oo ahaa wasiir-kuxigeenkii Arrimaha Gudaha. Sidoo kale Wasiirkii Dekedaha C/risaaq Xuseen Gacayte ayaa lagu badalay Siciid Maxamed Raage oo wasiir ka ahaan jiray maamulkii Cadde Muuse.

Wasiirkii Caafimaadka Bashiir Cali biixi ayaa lagu badalay Dr. Cali C/laahi Warsame. Wasiirkii Qorsheynta Faarax Aadan Dhalac ayaa lagu badalay Dr. Daa'uud Maxamed Cumar.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in isku-shaandheyntan ay ka danbeysay kadib qiimeyn ay ku sameeyeen dowladiisa oo uu sheegay inay soo baxday baahi loo qabo in wasaaraddaha qaarkood isbedelka lagu sameeyo.

XS
SM
MD
LG