Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Wasiirro la isku shaandheeyey

Xarunta Puntland
Xarunta Puntland

C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda.

Shir jaraaid oo xarunta madaxtooyada ee Garoowe ay ku qabteen Madaxweyne Faroole iyo kuxigeenkiisa ayaa loogaga dhawaaqay isku-shaandheynta lagu sameeyay gollaha Wasiiradda.

Wasiiradda xilalkooda waayay waxaa ka mid ah Gen. C/laahi Siciid Samatar wasiirkii Amniga, waxaana lagu badalay Gen Yusuf Axmed Khery oo ahaa wasiir-kuxigeenkii Arrimaha Gudaha. Sidoo kale Wasiirkii Dekedaha C/risaaq Xuseen Gacayte ayaa lagu badalay Siciid Maxamed Raage oo wasiir ka ahaan jiray maamulkii Cadde Muuse.

Wasiirkii Caafimaadka Bashiir Cali biixi ayaa lagu badalay Dr. Cali C/laahi Warsame. Wasiirkii Qorsheynta Faarax Aadan Dhalac ayaa lagu badalay Dr. Daa'uud Maxamed Cumar.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in isku-shaandheyntan ay ka danbeysay kadib qiimeyn ay ku sameeyeen dowladiisa oo uu sheegay inay soo baxday baahi loo qabo in wasaaraddaha qaarkood isbedelka lagu sameeyo.

This item is part of
XS
SM
MD
LG