Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo


Wasiir ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo
Wasiir ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

R/W Sharmarke oo Nairobi jooga ayaa dhinaciisa ka digay ficilka xildhibaanada qaar ay ugu ololeynayaan mooshin isaga ka dhan ah

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha, Cabdirashid M Xiddig ayaa ku baaqay in Ra'iisul-wasaare Sharma'arke iyo xukuumaddiisuba ay iscasisho, isagoo dhaliilay xukuumadda uu isaguna xubinta ka yahay. Xiddig waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ku guul dareysatay inay waddanka nabad kusoo celiso, arrintaas darteedna uu ku talinayo in xukuumad iyada ka duwan wax qaban karta lagu beddelo.

Cabdirashi M. Xiddig waxa uu ka hadlay arrinta dastuurka oo uu sheegay in lagu deg-degayo, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii dalka oo dhan ilaa labada cirif loo wada gaarsiin lahaa. Waxa uu sheegay in haddii aan arrintaas la sameynin, la sharciyeynayo in waddanku kala go'o.

Dhinaca kale, Ra'iisal wasaare Sharmarke oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ayaa kad digay mooshin ka dhan ah xukuumaddiisa, isagoo sheegay in is-difaaci doono isagoo adeegsanaya sharciga dalka u yaala.

Wareysiga ra'iisul-wasaaraha iyo wasiirka qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG