Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi Wasiirka Dalxiiska ee Kenya


Wareysi Wasiirka Dalxiiska ee Kenya
Wareysi Wasiirka Dalxiiska ee Kenya

Wasiirka dalxiiska ee dalka Kenya, Najiib Balaala, ayaa wareysi uu siiyay Idaacaddan VOA, waxa uu ku beeniyay eedeeyn loo soo jeediyay.

Warbixintii ay dhawaan soo saareen guddiga la socodka cunaqabateynta dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa warbixintaasi lagu magacdhabey shirkado iyo shaqsiyaad lala xiriiriyey in ay si toos ah iyo si dadbanba u kaalmeeyeen ururka al-Shabaab ee shakhsiyaadka xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya. Shakhsiyaadka la magac dhabay waxaa ka mid ah, wasiirka dalxiiska ee dalka Kenya, Najiib Balaala.

Mr. Balaala oo u warramay Idaacaddan VOA ayuu wuxuu beeniyay eedeeyntaasi loo soo jeediyay ee ku saabsan, inuu dhaqaale ku taageeray kooxda al-Shabaab.

Wasiirka waxaa wareysi la yeeshay Falastiin Axmed Iimaan.


XS
SM
MD
LG