Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Madaxweynaha cusub ee DDSE


Madaxweyne Cabdi Maxamuud
Madaxweyne Cabdi Maxamuud

Cabdi Max'uud Cumar, Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa balanqaaday inuu gobolka Somalida horumar gaarsiin doono

Madaxweynaha cusub ee dowlad-deegaameedka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamud Cumar ayaa VOA siiyay wareysi khaas ah kadib markii shalay baarlamaanka dowlad-deegaameedku ay u doorteen inuu madaxweyne noqdo shanta sanno ee soo socota.

Madaxweyne Cabdi, wuxuu VOA u sheegay inuu soo dhisay golle wasiirro oo ka kooban kuwii hore iyo kuwo cusub, isagoo sheegay in lagu soo doortay aqoon iyo shaqo wanaag. Cabdi Max'ud Cumar wuxuu xusay in xubno ka tirsan jabhadda UWSLF oo ka mid ah jabhadihii heshiiska la galay Ethiopia ay ka mid yihiin maamulka cusub, inkastoo uu xusay inaysay ku jirin liiska gollaha wasiiradda cusub ee dowladdiisa.

Cabdi Max'ud wuxuu sheegay in maamulkan cusub uu ka shaqeyn doono arrimaha horumarinta gobolka ee dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo adeegyada kala duwan.

Madaxweynaha cusubi, wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisani uu sii wadi doono dadaallada nabadeed ee gobolka ka socda,

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay garabka ka tirsan ONLF ee iyagu dagaalka kula jira Ethiopia, wuxuu kooxdaasi ku tilmaamay "Calooshood u shaqeystayaal" dhibaato ku haya dadka gobolka, wuxuuna dhinaca kale ku dooday in ONLF oo dhami ay heshiiska qaateen, mas'uuliyiintooduna ay haatan ku sugan yihiin magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha cusub, wuxuu iska fogeeyay tacadiyada la sheego in laga geysto gobolka, khaasatan xiligii uu ahaa Madaxa Amniga ee dowlad-deegaameedka.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG