Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Dadkii ku Dhintay Zambia ma Ahayn Soomaali


Map of Zambia
Map of Zambia

Dawladda Zambiya ayaa xaqiijisay in dad ku neef qabatoobay konteennarka baabuur xammuul ah imeel u dhow xadka dalkaas ay yihiin Itoobiyaan oo aysan ahayn Soomaali.

War qoraal ah oo kasoo baxay dawladda Zambia ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay dhinteen 19 ka mid ah 54 kalena ay badbaadeen. Warkan waxaa ugu horrayn baahisay VOA kadib markii ay lasoo xiriireen dad Soomaali ah oo deggan magaalada Ndola oo la geeyey maydka dadkaasi.

Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah Soomaali cisbitaalka ku booqatay dadkaasi, ayaa sheegay in magacyadii dowladda Zambia ay soo gudbisay iyo muuqaalada dadkuba ay muujinayaan inaysan dadkan ahayn Soomaali.

Waxa uu sheegay in xittaa hal qof oo ka mid ah dadkan uusan ahayn Soomaali.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa khadka telefoonka ee magaalada Ndola ee ku taalla xadka Zambia iyo waddanka DR Congo kula xidhiidhay Maxamed Cabdullaahi.

Wareysi: Dad ku dhintay Zambia
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:48 0:00

XS
SM
MD
LG