Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad Colaadeed oo ka Jirta Xadka Ethiopia iyo Eritrea


Muuqaal muujinaya goobihii ay horey ugu dagaalameen Ethiopia and Eritrea ee xuduudda
Muuqaal muujinaya goobihii ay horey ugu dagaalameen Ethiopia and Eritrea ee xuduudda

Inkasta oo degenaan ay ka jirto colaaddii horaantii toddobaadkan, ayaa waxaa weli ay xiisad ka jirtaa xuduudda u dhaxeysa dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Dowldda Eritrea ayaa khamiistii sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka badan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay axaddii iyo Isniintii.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan, oo ay dowladda Eritrea ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

Wareysi uu siiyey VOA ayaa wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda waxa ku sheegay in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah, hase yeeshee ma uusna beenin.

Reda waxa uu sheegay “in la joojiyey dhaqdhaqaaq colaadeed oo uu billaabay taliska Asmara”, islamarkaana Ethiopia ay diyaar u tahay inay iska caabiso wax ay u aragto cadaawadda Eritrea.

“Tallaabada xigta ee aan qaadi doonno waxa ay ku xirnaan doontaa waxa taliska Asmara ay go’aansadaan inay sameeyaan” ayuu yiri Reda.

Awet Weldemichael, oo taariikhda ka dhiga jaamacadda Queen’s University ee magaalada Kingston ee dalka Canada, ayaa sheegay in inkasta dagaalkii koobnaa ee dhacay ee horraantii toddobaadkan laga soo qaaday mid aan macno badan lahayn, haddana arrintu ay tahay mid halis ah.

XS
SM
MD
LG