Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay hawadeedda ka mamnuucday duulimaadyadii Jaadka ee Soomaaliya uga iman jiray dalka Kenya.
Dowladdu waxey sheegtay in dayuuradaha ay u joojisay sababo ku xiriira dano qaran, oo uu ammaanka ka mid yahay.
Suuqyada Jaadka ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaala koonfurta Somalia ayaa maanta aanu iman Khaadka, hase yeeshee khaadka laga keeno dalka Ethiopia oo dhinac dhulka ku soo gala Somalia ayaa sidii caadiga aheyd loo geeyay magaalooyin ay ka mid tahay Boosaaso.
Wariyeheenna Yuusuf Maxamud Yuusuf ayaa warbixintan inooga soo diray Boosaaso.