Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqay xisbi cusub oo la yiraahdo Xizbiga Soomaalida Cusub, kaas oo ay horjoogayaashiisa u badan yihiin dhallinyarada qurbaha, oo qaarkoodna ay kasoo shaqeeyeen dowladihii ugu dambeeyey ee Somalia.
Xizbigaas waxaa guddoomiye u ah C/salaam Yusuf Guuleed, oo horena uga tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia.
Xizibiga ayaa kulan la yeeshay Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen himiladooda siyaasdeed iyo sida ay u arkaan xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee murugsan ee Somalia.
Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ay VOAda la yeelatay guddoomiyaha Xizbiga Soomaalida Cusub.