Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyay ee Mudaaharaadka Masar


Wararkii ugu Dambeeyay ee Mudaaharaadka Masar
Wararkii ugu Dambeeyay ee Mudaaharaadka Masar

Madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak ayaa magacaabay madaxweyne ku xigeen iyo ra'iisal wasaare cusub.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa magacaabay madaxweyne ku xigeen iyo ra'iisal wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad cusub.

Mr. Mubaarak ayaa madaxweyne ku xigeen u magacaabay Cumar Suleymaan oo ahaa madaxii hay'adda Sirdoonka dalkaasi, halka uu ra'iisal wasaare ugu magacaabay Axmed Shafiiq oo isagana ka tirsanaa ciidamada Cirka.

Labada mas'uul ee uu Mr. Mubaarak magacaabay ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo ay aad ugu dhow yihiin isaga.

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Masar ayaa sheegay in rabshadaha dalkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 24 qof, dhowr boqol oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee warbaahinta qaarkood waxay sheegayaan in tirada dhimashadu intaasi ka badan tahay oo ay gaarsiinayaan inay kor u dhaafeyso 74 qof.

Kumanaan dad mudaaharaadayaal ah ayaa weli isugu soo ururaya magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, saacado ka dib markii uu madaxweyne Maxamed Xusni Mubarak uu kala eryay golihisa xukuumadda, isla markaana diiday inuu soo afjaro xukunkiisa 30 sano jiray.

Telefishanka dalka Masar ayaa sabtida maanta ku dhowaaqay in golihii wasiirada ay si rasmi ah isu casileen.

Madaxweyne Mubarak ayaa khudbaddii uuxalay ka jeediyay telefishanka uu ku sheegay inuu maanta soo magacaabi doono ra’iisal wasaare cusub, dadkana u ballan qaaday isbedel.
Waxaa dib hawada ugu soo laabtay adeegii labo ka mid ah shirkadaha telefoonada Mobileka, 24 saac ka dib markii dowladdu ay amar ku bixisay in hawada laga saaro.

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee magaaladan Washington ayuu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda Masar inay dib u soo celiyaan adeegyada isgaarsiinta Internet-ka iyo telefoonada, ayna ka fogaadaan inay gacan ka hadal uga jawaabaan mudaaharaadyada sida nabadgelyada u dhacaya.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweyne Mubarak, una sheegay inuu qaado tallaabo la taaban karo oo uu ku fulinayo ballanqaadyadii isbedelka ee uu u sameeyay dadkiisa.

XS
SM
MD
LG