Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War-Murtiyeedka Shirkii Kampala


War-murtiyeedka shirkii ICG ee Kampala ayaa wali la isku afgaran. Wasiirka Warfaafinta C/kariin Jamac ayaa sheegay inay socdaan wadatashiyo

War-Murtiyeedkii laga soo saari lahaa shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia ugu soo xirmay magaalada Kampala ayaan wali lagu heshiin.

Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somalia, iyo waxa laga yeelayo xilliga kala guurka ah ee DKMG.

Warar ka imanaya Kampala ayaa sheegaya in dhinacyadii shirkaa ka qeybgalay ay wali wadaan wadatashiyo ku saabsan go'aannada ugu danbeeya ee lagu qorayo war-murtiyeedka shirkii Kampala.

War-murtiyeedka ayaa dib loo dhigay kaddib markii aan lagu soo darin soo jeedintii madaxweynaha Uganda ee ku aadanayd in muddada loo kordhiyo DKMG.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinta ee DKMG, C/kariin Jaamac ayaa VOA u sheegay in ergooyinka shirku ay wadatashiyo la leeyihiin dowladdahooda, isla markaa 48 saacaddood ee soo scoda la fili doono in war-murtiyeedkaasi la soo saaro.

XS
SM
MD
LG