Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wakhtiga VOA oo la Kordhiyay


Wakhtiga VOA oo la Kordhiyay
Wakhtiga VOA oo la Kordhiyay

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay dhageystayaasheeda ogeysiinaysaa in 30 daqiiqo oo dheeraad ah lagu kordhiyay wakhtiga idaacadda Fiidnimo ee xilliga Geeska Afrika.

Laga bilaabo maanta oo Khamiis ah 08, Sept 2011, Idaacadda Fiidnimoi waxay maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha soo galaysaa saacaddu markay tahay (15:30 UTC) oo ku beegan 6:30 maqribno ee xilliga Geeska Afrika, halkii ay markii hore soo geli jirtay 7:00 Fiidnimo.

Wakhtigan dheeraadka ah ee lagu kordhiyay idaacadda Fiidnimo waxay idaacaddu ku soo tabinaysaa barnaamijyo iyo warar la xiriirra abaaraha Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo waliba wararka kale ee ugu waa weyn ee caalamka iyo Soomaaliya.

Wakhtigan dheeraadka ah ee lagu kordhiyay idaacadda Fiidnimoi waxaa laga dhageysan karaa mowjadaha gaagaaban ee 19-ka, 25-ka mitirbands, hirarka FM-yada ee magaalooyinka geeska Afrikada iyo waliba mowjadda dhexe ee dhererkeedu yahay 1431.

XS
SM
MD
LG