Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wakhtiga uu Dhacayo Shirka Wadatashiga


Wakhtiga uu Dhacayo Shirka Wadatashiga
Wakhtiga uu Dhacayo Shirka Wadatashiga

Dowladda KMG ah ayaa shaacisay wakhtiga la qaban doono shirka wadatasiga ee Soomaalida, kaasoo ka dhici doona gudaha dalka.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii wadatashiga Soomaalida ee la qorsheeyay in uu ka dhaco gudaha Soomaaliya, la qaban doono 4ta ilaa 6-da bisha soo socota ee September.

War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradu shir ay maanta yeesheen ay uga doodeen qaban qaabada shirka wadatashiga oo la filayo inay ka qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

Hase yeeshee warsaxafadeedka laguma xusin meesha uu ka dhici doono shirkaasi, iyadoo in dhowaalaba uu khilaaf ka taagnaa goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga.

Shirkan wadatashiga ayaa la filayaa in looga hadlo hawlaha ay qaban doonto dowladda KMG ah, mudada sanadka ah ee loo kordhiyay iyo sidii looga gudbi lahaa nidaamka KMG ah.

XS
SM
MD
LG