Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo Wareysatay Madoobe Nunow


VOA oo Wareysatay Madoobe Nunow
VOA oo Wareysatay Madoobe Nunow

Afhayeenka Baarlamaanka Djibouti ayaa sheegay in shirka baarlamaanada IGAD ee Djibouti ka socda ay Soomaalidu korjoogeyaal ka ahaanayaan

Madooba Nuunow Maxamed oo xubno baarlamaanka ka tirsani sheegeen inay guddoomiyaha cusub u doorteen ayaa sheegay inuu horay ugu sii socon doono, shir-guddoominta howlaha baarlamaanka, xukuumaddana uu ka codsanayo inay soo gudbiso hawlaheeda.

Dhinaca kalena, Afhayeenka Baarlamaanka Djibouti Idiris Arnaa'uud Cali ayaa sheegay in shirka baarlamaanada IGAD ee Djibouti ka socda ay Soomaalidu korjoogeyaal ka ahaanayaan, oo labada garab ee shirka ay labada u ogolanaayaan inay joogaan shirka.

Afhayeenka Baarlamaanka Dijbouti ayaa sheegay in ay martiqaad u direen Shariif Xasan Sheekh Aadam, martiqaadkuna uu baxay intii aanu baarlamaanku kala qeybsamin.

XS
SM
MD
LG