Hay’adda Qaramada Midoobay ee badbaada caruurta ee UNICEF, ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ka furtay xarumo ay ku nastaan dadka socotada ah ee ka soo barakacaya abaaraha ee ku sii jeeda xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Xiriiriyaha Unicef ee arrimaha bani'aadamtinimada ee gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Mowliid Aadan Warfaa, ayaa VOA u sheegay in xaruntaasi quudinta ay halkii mar tiro badan qaadi karto. Wuxuu sheegay in maanta ay quudinta ku bilaabayaan ilaa 150 qoys.
Unicef ayaa sidoo wadda olole baahsan oo caruurta lagaga tallaalacyo lixda cudur ee dilaaga ah oo jadeecadu ay ugu horreyso.
Waxaana ay ka bilaabeen ololahaasi tallaalka xeryaha ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay ee magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyagoo diyaar garow ugu jira gobolka Gedo.
Unicef waxa uu qorsheheedu yahay inay tallaalkaasi gaarsiiso ilaa 2 milyan oo caruur ah.
Hay'adda UNICEF ayaa xarun ay ku nastaan, cunno bisilna lagu siiyo dadka abaaruhu barakiciyeen ee ku socda Kenya ka furtay Dhoobley.