Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNICEF: Caruur ayaa lagu Dilaa Dagaallada


UNICEF: Caruur ayaa lagu Dilaa Dagaallada
UNICEF: Caruur ayaa lagu Dilaa Dagaallada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda dalka Soomaaliya ay saameyn weyn ku yeelatay caruurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay' adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegtay in 24 caruur ah la dilay, 58 kalena si daran loogu dhaawacay dagaallada bishii Octoober ee la soo dhaafay, waana tiradii ugu badneyd ee caruur ah ee sannadkan ay dagaalladu khasaaro ka soo gaadhaan.

UNICEF waxay sheegay in inkabadan 100 caruur ah ay dagaallada Soomaaliya sannadkan ku dhinteen.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in in kabadan 600 oo caruuur Soomaali ah ciidan ahaan loo qortay, iyadoo in kabadan 200 oo kalena oo gabdho u badan la kufsaday

UNICEF waxay ugu baaqday dhamaan dhinacyada colaadda Soomaliya inay joojiyaan dilka, burburinta, shaqaaleysiinta iyo kufsiga lagula kaco caruurta Soomaalida

XS
SM
MD
LG