Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Qaxootiga Soomaalida Yemen


Xaaladda Qaxootiga Soomaalida Yemen
Xaaladda Qaxootiga Soomaalida Yemen

Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qaar ka tirsan 200 kun ee qaxtootiga Soomaali ee ku nool Yemen ay ka fikirayaan inay dalkoodii dib ugu noqdaan sababo ay ugu wacan tahay amni-darrada ka jirta dalka Yemen oo sii xumaanaysa.

Afhayeen u hadlay UNHCR Andrej Mahecic ayaa sheegay in sannadkan dalka Yemen ay soo gaareen 20 kun oo qaxooti Soomaali ah. Qaxootiga cusub ee imanaya Yemen aysan marka horeba ka warqabin xaaladda dalka Yemen iyo marxaladdaha ay la kulmayaan dalkaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in qaxootiga cusub ay rajaynayeen inay dalka Yemen ay uga sii gudbaan waddamada Khaliijka si ay shaqo u helaan, hasse yeeshee amniga oo sii xumaanaya ay hakisay dhaq-dhaqaaqooda iyadoo fursaddaha shaqada ee dalka Yemen oo aad u yaraaday, sababahaasi oo isbiirsadayna ay haatan qaxootiga Soomaalidu ka fikirayaan ku noqoshada Somalia.

Dhanka kalena, Afhayeenka UNHCR Andrej Mahecic ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid qaxootiga cusub ee Soomaalida ee imanaya xeryaha Dhadhaab, taasoo ay ugu wacnaan karto howlgallada military ee ka socda xadka Somalia iyo Kenya ama roobab xooggan oo dhulkaasi ka da’ay. Afhayeenku wuxuu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay meelaha la iska diiwaangaliyo ee xeryaha Dhadhaab aysan wax qaxooti cusub soo gaadhin.

XS
SM
MD
LG