Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Colaad iyo Roob Yari ayaa Dadka Qixinaya


UNHCR ayaa sheegtay in colaaddaha sii socda ee Soomaaliya iyo roob yaraan ay wali dadku ku qasbayso inay dalkooda ka qaxaan inkastoo ay ka hooseyso heerkii ay ahayd sannadkii hore.

Afartii bilood ee u horreeyay sannadkan 2012, ilaa 20 kun oo qof ayaa u qaxay Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen. UNHCR waxay sheegtay in cel-celis ahaan intii u dhaxeysay June iyo September ee sannadkii hore ay bil walba Soomaaliya ka qixi jireen 40-kun oo qof.

Xeryaha qaxootiga ee Dollo Addo ee Ethiopia oo ay ku jiraan 150 kun oo qof ay waxaa korortay tirada qaxootiga cusub ee soo gaaray halkaasi. Bilowgii bisha May ee sannadkan 980 qof ayaa yimid halka qeybtii danbe ee bisha May ay soo gaareen 2 kun oo qof. Dadka cusub ee xeryahaasi tagaya ayaa sheegay inay ka soo qaxayaan amni-darro iyo meelaha cuntada laga helo oo siiyaraanaya.

Dhinaca kale, UNHCR waxay sheegtay in 460 kun ee qaxootiga ee degan xeryaha Dhadhaab ay sii wadaan inay ku noolaadaan xaalad amni-xumo oo khatar ah. Waxaa wali xeryaha ka jira halista ka imanaysa walxaha qarxa, is-rasaaseynta, afduubta iyo rabshaddaha kale ee ka dhaca xeryaha gudahooda.

XS
SM
MD
LG