Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaa 860,000 ayaa Qaxday Somalia


Ilaa 860,000 ayaa Qaxday Somalia
Ilaa 860,000 ayaa Qaxday Somalia

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay korodhay tirada qaxootiga Soomaaliya ka qaxay ee Geeska Afrika gaaray.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ay kor ugu kacday 860,000 oo qof, kuwaasoo intooda badan ay barakiciyeen abaarta iyo macluusha ka jirta Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, waxay sheegtay in 1.5 milyan oo kale oo Soomaali ah ay gudaha dalka ku barakaceen, kuwaasoo badidood ay ku sugan yihiin gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixin la soo saaray Arbacada maanta ayaa sheegaysa in Soomaali badan ay ka qaxeen guryohoodii, ka dib markii ay abaarta kaga le’deen xoolihii ay dhaqanayeen ee ay noloshooda ku tiirsaneyd.

UNHCR waxay sheegtay in tan iyo bishii January ay dalka Kenya u qaxeen 125,000 oo Soomaali ah, 76,000 oo qof oo kalena ay u qaxeen Itoobiya.

Wixii ka horreeyay abaarta iyo macluusha, Soomaalidu waxay ka qaxayeen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda al-Shabaab.

Dhanka kale, hay’adda badbaada caruurta ee UNICEF ayaa iyana ka codsatay shiradaha gaadiidka inay lacag la’aan ka dhigaan amma ay aad hoos ugu dhigaan qiimaha xamuulka, si ay gacan uga geystaan si deg deg u gudbinta sahayda gargaarka ee Geeska Afrika.

Afhayeenka UNICEF, Marixise Mercado ayaa sheegay in deg deg u helidda gargaarka wuxuu wax weyn ugu fadhiyaa badbaadinta nolosha caruurta sida ba’an u nafaqa darreysan.

XS
SM
MD
LG