Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo kordhinaysa Ciidankeeda Somalia


Uganda oo kordhinaysa Ciidankeeda Somalia
Uganda oo kordhinaysa Ciidankeeda Somalia

Dawladda Uganda ayaa sheegtay in ay sii kordhin doonto tirada ciidamadeeda nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia ka jooga

Afhayeenka ciidanka qalabka sida ee dalkaas, Col. Flix Kuligye ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu kordhin doono ciidanka nabad-ilaalinta ee ka jooga Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in qaraxyadii Axaddii lala beegsaday dalkiisa, ee ay sheegteen kooxda Al-Shabaab, aaney marna cabsi galin doonin ciidamada dalkiisa, gaar ahaan kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Col. Kuligye ayaa intaas ku daray in haddii ay kooxda Al-Shabaab ku riyooneysay in ciidamadooda ay kala soo baxaan Muqdisho, inay taasi beddelkeeda kordhin doonaan ciidanka halkaas ka jooga, isla markaana ay baaqi ku ahaan doonaan Soomaaliya, inta ay xasilloonida iyo kala dambeyntu kusoo laabaneyso dalka Soomaaliya.

Hadalka ciidanka Uganda, ee loo yaqaanno UPDF, ayaa kusoo beegmaya xilli ay shacabka reer Uganda ka dhex socoto dood ku saabsan go’aanka ay dowladdu ka qaadan doonto mustaqbalka ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG