Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turki iyo Aweys oo ka Hadlay arrinta Kambooni


Turki iyo Aweys oo ka Hadlay arrinta Kambooni
Turki iyo Aweys oo ka Hadlay arrinta Kambooni

Guddoomiyaha guutada Ras Kamboni, Sh. Xasan C/llahi Xirsi (Turki) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qaraarka uu dagaalyahannadiisa ugu biiriyey kuwa Al-Shabaab.

Shir jaraa'id oo uu Sh. Xasan Turki maanta ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in isku biiridda labada dhinac ay qeyb ka tahay waxa uu ugu yeeray iskaashiga caalamiga ah ee Muslimiinta.

Sh Xasan Turki ayaa shaaca ka qaaday in uu aad u taageersanyahay isku biirdda ciidmada ka socda Raaskambooni iyo ururka Al Shabaab waxaana uu tilmaamay in uu go’aankaasi ku qanacsanyahay uuna u arko mid yimid waqtigii ugu haboonaa

Dhanka kalena, guddoomiyaha ururka Xizbul-Islam, Sh. Xasan Dahir Aweys ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey VOA-da, ayaa wuxuu goosashada Xasan Turki ku sifeeyey mid nidaam darro ah.

Sh Xasan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay go’aanka Sh Xasan Turki in uu yahay mid aan waafqsanayn nidaamka u yaalla Xizbul Islaam , waxaana uu sheegay in ay arrintani iyo arrimo kale ay tusaale u tahay waxa uu ugu yeedhay khibrad la’aanta siyaasadeed ee Soomaalida.

Waraysiga Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo warbixin ku saabsan shirka jaraa’id ee Sh Xasan Turki waxaad ka dhegaysataan midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG