Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo 12 Askari Ay kaga Dhimatay Afghanistan


Ciidamada Miltariga ee Turkey ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca ay ku dul burburtay guri ku yaala duleedka caasimadda Afghnistan ee Kabul, burburkaas oo ay ku dhinteen 12 askari oo saaraa dayuurada iyo ugu yaraan laba qof oo dhulka ku sugnaa.

Masuuliyiintu waxa ay sheegeen in dayuuradda helicopterka ah, oo uu nooceedu ahaa –Sikorisky- ay ku jirtay duulimaad qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada Nato ee Afghanistan, markii ay bur bureysay, jimcihii shalay, gaar ahaan degmada la yirahdo Bagrami ee Magaalada Kabul.

Wasiirka Arimaha dibadda ee Turkey,Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in dayuuradda ay soo dhacday, iyadoo isku dayeysay in degis deg deg ah ay sameyso, waxa uu u sheegay wariyeyaasha inuu ahaa shil naxdin leh.

Saraakiisha Afghantan ayaa iyana sheegay in laba caruur ah ay ku dhinteen, guriga ay dayuuradda ku dul dhacday.

Waxey aheyd burburkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa ee ee soo gaaray ciidamada isbaheysiga ee Afghanistan ku sugan, tan iyo markii bishii august ee aynu ka soo gudubnay, markaasoo, dayuurad helicopter nooca Chinook, loo yaqaano ah, sida muuqata ay mintidiinta Afganistan ku toogteen gobolka Wardak , shilkaas oo ay ku dhinteen 30 askari oo mareykan ah.



XS
SM
MD
LG