Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tripoli: Soomaali Guryihii Laga Saaray


Tripoli: Soomaali Guryihii Laga Saaray
Tripoli: Soomaali Guryihii Laga Saaray

Soomaalida laga saaray guryohooda waxay u jiif tageen beeraha ku yaalla duleedka magaalada Tripoli, iyadoo qabow ba'an uu jiro.

Ciidamada dowladda Liibiya ayaa fuliyay amar ka soo baxay dowladda oo guryaha lagaga saarayo dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkeeda, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Tripoli.

Amarkaasi ay dowladdu soo saartay waxay saameeyay Soomaalida ku nool magaalada Tripoli, kuwaasoo askar ay guryihii khasaab uga saareen.

Mid ka mid ah Soomaalida degan dalka Liibiya oo VOA-du ay wareystay ayaa sheegay in ay dibadda uga baxeen guryihii ay deganaayeen, isla markaana ay jiif u doonteen beeraha ku yaalla duleedka magaalada.

Qofkaasi Soomaaliga ah oo ka gaabsaday magaciisa waxa uu sheegay in aanay garaneyn waxa ay sameeyaan, ayna jeclaan lahaayeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Soomaalida laga saaray guryaha Tripoli ayuu sheegay inay isugu jiraan rag iyo haween.
Soomaalida ku nool dalkaasi Liibiya waxay la kulmaan xarig iyo dhibaatooyin kale oo guryo ka saaristu ay ka mid tahay.

XS
SM
MD
LG