Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dhimashada Qaraxii Baydhaba oo Korortay


Masuulyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan magaalada Baydhaba ayaa maanta soo booqday qaar ka mid ah dhaawacyada dadkii shalay ay wax ka soo gaareen qarax ka dhacay magaalada.

Qaar ka mid ah 30 qofood oo qaraxaasi shalay ku dhaawacantay ayaa xaaladooda laga deyrinayaa oo la sheegay in gudaha Somalia aan wax looga qaban karin.

Tirada dadka ku dhintay weerarkaasi shalay ayaa waxa ay gaareysaa ilaa iyo 13 qof .

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Sharif Xassan Sheikh Aden ayaa oo ka mid ahaa masuuliyiintii booqatay Cusbitalka Baydhaba ayaa sheegay iney codsiyo u direen DKMG ah iyo dalalka saaxiibka la ah sidii gacan looga geysan lahaa in dhaawacyadaasi kuwooda liita loogu qaadi lahaa dibadda si loogu soo daweeyo.

XS
SM
MD
LG