Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tarsan oo Dhalliilay Waxqabadka Hay'adaha Qaar

Guddoomiyaha gobolka Banadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dhaliilay qaar ka mid ah hay’adaha wadaniga ah ee aan dawliga ahayn iyo Hay'adaha ku sugan Nairobi.

Guddoomiyaha ayaa waraysi uu VOAda siiyay waxaa uu ku sheegay in ay jiraan hay’addo Soomaali ah oo aan dawli ahayn oo sida uu sheegay mashaariic been abuur ah ka dalbada xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi, waxaana uu ku eedeeyay in ay magaca gobolka Banadir ku lunsdaan kharash badan.
Xafiisyada Somalia qaabilsan ee Qaramada Midoobay oo ay xaruuntoodu tahay Nairobi, ayaa guddoomiyaha Banadir waxaa uu tilmaamay inaanay si dhab ah u daba galin kharashaadka ay lunsadaan hay’adaha aan dawliga ahayn , iayaga oo sida uu tilmaamay arrintaasi ku macneeya inaanay ammaanka Muqdisho oo xun awgeed aanay u soo xaqiijin karin.
Sida uu tilmaamay guddoomiye Tarsan, gobolka Banadir ayaa u baahan gargaar wax ku ool ah oo wax u tari kara dadka ku barakacay dagaallada .
Hase ahaatee Mr Tarsan ayaa xusay in ay jiraan hay’addo badan oo sida uu sheegay wax qabad muuqda ka gaystay dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Kuwaasi oo sida uu sheegay ammaan mudan.
Ugu dambayntii waxa uu xusay in ay wadaan qaban qaabada qorshe ku aaddan sidii magaalada Muqdisho loogu soo rari lahaa xafiisyada Qaramada Midoobay ee haattan ka furan Nairobi.

Guddoomiyaha ayaa waraysi uu VOAda siiyay waxaa uu ku sheegay in ay jiraan hay’ado Soomaali ah oo aan dawli ahayn oo sida uu sheegay mashaariic been abuur ah ka dalbada xafiisyada hay'adaha caalamiga ah ee Nairobi, waxaana uu ku eedeeyay in ay magaca gobolka Banadir ku lunsdaan kharash badan.

Xafiisyada Somalia qaabilsan ee Qaramada Midoobay oo ay xaruuntoodu tahay Nairobi, ayaa guddoomiyaha Banadir waxaa uu tilmaamay inaanay si dhab ah u daba galin kharashaadka ay lunsadaan hay’adaha aan dawliga ahayn , iayaga oo sida uu tilmaamay arrintaasi ku macneeya inaanay ammaanka Muqdisho oo xun awgeed aanay u soo xaqiijin karin.

Sida uu tilmaamay guddoomiye Tarsan, gobolka Banadir ayaa u baahan gargaar wax ku ool ah oo wax u tari kara dadka ku barakacay dagaallada .

Hase ahaatee Mr Tarsan ayaa xusay in ay jiraan hay’addo badan oo sida uu sheegay wax qabad muuqda ka gaystay dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Kuwaasi oo sida uu sheegay ammaan mudan.

Ugu dambayntii waxa uu xusay in ay wadaan qaban qaabada qorshe ku aaddan sidii magaalada Muqdisho loogu soo rari lahaa xafiisyada Qaramada Midoobay ee haattan ka furan Nairobi.

Waraysiga guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG