Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga iyo Paraguay oo 1-1 Isku Mari waayay


Talyaaniga iyo Paraguay oo 1-1 Isku Mari waayay
Talyaaniga iyo Paraguay oo 1-1 Isku Mari waayay

Xulka Talyaaniga oo haysta koobka adduunka ayaa maanta ay barbaro ku kala baxeen xulka Paraguay.

Xulka kubadda cagta ee Paraguay oo ku taalla qaaradda Latin America ayaa ku horeeyay dhalinta goolka waxaana ay ku guulaysteen in ay daqiiqadii 39aad ee ciyaarta ay dhaliyaan goolka oo uu u dhaliyay ciyaarayhanka Antolin Alcaraz.

Hase ahaatee xulka Talyaaniga ayaa ku guulaystay in ay dhaliyaan goolkii barbar dhaca daqiiqadu markay ahayd 63, waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka Di Rossi.

ciyaartan ayaa ka dhacday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika oo ay ka socdaan ciyaaraha koobka adduunka ee kubadda cagta.

XS
SM
MD
LG