Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Ciidanka Dawladda oo Qarax ka Badbaaday


Taliyaha Ciidanka DKMG
Taliyaha Ciidanka DKMG

Taliyaha ciidanka militariga ee DKMG ah ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaari uu lasocday magaalada Muqdisho.

Inkasta oo uu qaraxa ka badbaaday Taliyaha ciidanka militariga DKMG ah Janaraal Max’ed Geelle Kaahiye, hadana waxaa qaraxa ku geeriyooday 2 Askari iyadoo 7 kalane ay ku dhaawacmeen, sida ay VOAda u xaqiijiyeen goob jooga yaal ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo aheyd agagaarka dhismaha Say-Biyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Afyhayeenka ciidanka booliska C/laahi Xasan Bariise oo shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho qaraxa kadib ayaa sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari 6 kalne uu dhaawac ka soo gaaray wuxuuna Mas’uuliyada qaraxa uu dusha kaga tuuray kooxaha ka soo horjeeda DKMG.

XS
SM
MD
LG