Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibka Yemen oo Xoogeystay


Tahriibka Yemen oo Xoogeystay
Tahriibka Yemen oo Xoogeystay

Tahriibayaal gaaraya 2,540 oo u badan Soomaali ayaa la sheegay in 20 cisho gudohood ay tahriib ku geleen dalka Yemen.

Waxaa si lama filaan ah kor ugu kacday tirada dadka tahriibka ah ee imanaya dalka Yemen, taasoo la yaab ku noqotay ciidamada dalka Yemen u qaabilsan ammaanka ee xeebaha joogay iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ee arrimaha qaxootiga ku hawlan.

Waxay tilmaameen in bishii Ramadan ay dalka Yemen soo galeen tiradii ugu badneyd ee dad tahriibayaal ah sanadkan.

Ciidamada amniga ee gobollada kala duwan ee dalka Yemen waxay sheegeen in muddo 20 cisho ah gacanta ku soo dhigeen ilaa 2,540 tahriibe.

Sababta ugu wacan kororka tahriibkaasi ayaa lagu tilmaamay mowjadaha badda oo deggan iyo iyadoo xilliga Ramadaan ay tahriibayaashu u arkaan bil ay ka faa’ideysan karaan ka gudubka xuduudaha.

Mas’uuliyiinta arrimaha qaxootiga ayaa sidoo kale tilmaamay in abaarta iyo macluusha ka jirta geeska Afrika ay qeyb ka tahay tirada aadka u badan ee qaxootiga ee gelaya dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG