Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chicago: Nin Lagu Eedeeyay Taageerada Shabab


Chicago: Nin Lagu Eedeeyay Taageerada Shabab
Chicago: Nin Lagu Eedeeyay Taageerada Shabab

Maxkamadda Federaalka ee gobolka Illinois ee dalkan Maraykanka waxaa la soo taagay nin lagu eedeeyay inuu taageero u fidin lahaa kooxda al-Shabaab.

Maxkmadda la soo taagay Shaker Masri waxay ahayd fadhigii ugu horreeyay ee dhageysiga kiiskiisa, markii uu maxkamadda soo gelayayna wuxuu kor u haatiyay gacantiisa midigta.

Masri oo la xiray 3-dii bishan August waxa loo haystaa eedeeymo ay ka mid tahay inuu qalab ku taageerayay kooxda dalka Soomaaliya ee al-Shabaab iyo inuu doonayay inuu isticmaalo hubka wax gumaada.

Kiiskan lagu haysto Masri wuxuu faah faahin ka bixinayaa caddeymo ka marqaati kacaya qorshe uu ugu safri lahaa dalka Soomaaliya si uu uga barbar dagaalamo koox hubeysan.

Sababtuna waxaa lagu sheegay in Masri uu u muuqday inuu keligiis qorsheystay inuu u socdaalo dalka Bariga Afrika ku yaal, caddeymaha ay dowladdu ka hayso qorshihiisa waxaa laga helay wadasheekeysi laga sii duubay oo uu la yeeshay nin sirtiisa u gudbiyay dowladda.

XS
SM
MD
LG