Nin ku hubeysan baangad ayaa weeraray iskuul ku yaalla magaalada Trollhattan oo u dhow magaalada Goteborg ee dalka Sweden.
Weerarka ayaa waxaa ku geriyooday hal macallin dhowr ardayna dhaawac ayaa kasoo gaaray, ayada oo iskuulkana ay ka kala carareen ardaydii iyo macalimiinta.
Ninka weerarka soo qaaday oo da’da labaatameyda lagu qiyaasay ayaa waxaa toogtay booliska, waxaana gaaray dhaawac helis ah.
Ardayda dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ku jira wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa ardayda iskuulkaasi wax ku baraneysay.
Caasho Ibrahim ayaa khadka taleefanka ee Sweden kula xiriirtay Axmed Maxamed Carab oo ah wariye madax banaan oo deggan magaalada uu weerarku ka dhacay kana wareysatay dhacdadan.