Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu-Sunna iyo DKMG ah oo Heshiiyey


Ahlu-Sunna iyo DKMG ah oo Heshiiyey
Ahlu-Sunna iyo DKMG ah oo Heshiiyey

Urur-diimeedka Ahlu-Sunna Wal-Jamacah iyo DKMG ah ayaa ku heshiiyey inay awoodda dalka qeybsadaan, iskuna biiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay VOA-du heshay ayaa sheegaya in dowladda KMG ah iyo urur-diimeedka Ahlu-Sunna Wal-Jamacah ay heshiis horudhac ah ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, oo ay muddo laba toddobaad ah ku lahaayeen wadahadal xasaasi ah, oo isla markaana warbaahinta laga qariyey. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku heshiiyeen awood-qeybsi, isla markaana ciidamadooda isku dhafaan.

Sida ay VOA-da u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan labada dhinac, oo ka gaabsaday in magacooda la xuso maadaama aan heshiiska wali si rasmi ah loo saxiixin, dowladda KMG ah ayaa oggolaatay in Ahlu-Sunna Wal-Jamacah ay qeyb libaax leh ku yeelato golaha wasiirrada iyo taliska ciidamada. Dhankeeda, Ahlu-Sunna ayaa iyana oggolaatay inay qeyb buuxa ka noqoto dowladda Somalia, isla markaana ay ciidankeeda ku dhafto kuwa dowladda KMG ah, ciidankaas oo lahaan doona taliye dhexe oo dhanka DKMG ah ka iman doona.

Heshiiskan ayaa Ahlu-Sunna u qoondeynaya shan wasiir iyo hal wasiiru-ddowle. Ugu yaraan mid kamid ah wasaaradahan, waxay noqon doontaa mid kamid ah wasaaradaha loo yaqaanno heerka koobaad, oo kala ah: wasaaradaha arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, gaashaandhigga ama maaliyadda.

Wasiirrada ka sokow, heshiiska ayaa sidoo kale qoraya in Ahlu-Sunna ay qaadato shan wasiir ku xigeen. Waxaa intaas dheeraan doona in xubno ka tirsan Ahlu-Sunna loo magacaabi doono taliye ku xigeennada saddexda talis ee ciidanka DKMG ah, ee kala ah: militariga, booliiska iyo waliba nabad-sugidda.

Ahlu-Sunna waxay kaloo ku guuleysatay in loo oggolaado in saddex danjire iyo saddex qunsul laga siiyo safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalka dibadiisa. Waxay kaloo heli doontaa lix diblomaasi, oo shaqooyin kala duwan ka qaban doona safaaradaha Soomaalida.

Labada wafdi ee ka kala socday DKMG ah iyo Ahlu-Sunna Wal-Jamacah, ayaa muddo 14-maalmood ah ku shirsanaa Addis Ababa, iyagoo lahaa wada-xaajood aan waxba la isku harin, isla markaana laga dahaaray indhaha saxaafadda. Wafdiga dowladda Somalia waxaa hoggaaminayey Sharif Xasan Sh. Adan, wasiirka maaliyadda ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, waxaana weheliyey wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, C/rizaq Adan Juriille, iyo Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia, la taliye xagga siyaasaddana u ah madaxweyne Sharif Sh. Axmed.

Wafdiga Ahlu-Sunna waxaa hoggaaminayay Macallin Maxamud Sheikh Xasan, oo ah guddoomiyaha Ahlu-Sunna Wal-Jamacah. Waxaana weheliyey laba xubnood oo kale.

Masuul sare oo ka tirsan DKMG ah, ayaa VOA-da u sheegay in wada-xaajoodka u dhaxeeya labada dhinac uu ka dhashay kulankii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo ra’iisul wasaare Meles Zenawi. Masuulkan ayaa intaas ku daray in dowladda Ethiopia, oo la rumeysan yahay inay gacan xooggan siiso Ahlu-Sunna Wal-Jamacah, inay ku cadaadisay masuuliyiinta Ahlu-Sunna inay heshiis buuxa la gaaraan dowladda Somalia, isla markaana iska kaashadaan cadowga ay wada leeyihiin ee Al-Shabaab.

Haddii uu hirgalo heshiiskan, dowladda KMG ah, oo ay awalba ku baheysnaayeen Isbaheysiga Dibu-Xoreynta iyo dowladdii Embagathi, kuna magacowneyd inay tahay dowlad midnimo qaran, ayaa waxaa kusoo biiraya dhinac saddexaad, oo la dhihi karo wuxuu sii ballaarinayaa salka dowladda.

Mar haddii uu Ahlu-Sunna yahay urur gacanta ku haya dhowr degmo oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana uu ka taliyo dhul ka ballaaran midka ay dowladda Somalia ka taliso, waxaa heshiiskan ka muuqaneysa in Ahlu-Sunna ay cududdeeda millatari si wanaagsan ugu gorgortantay.

Heshiiska ayaa qoraya in awood-qeybsigan cusubi uu ku saleysnaan doono axdi qarameedka dowladda Somalia, taas oo macneheedu yahay inuu ku jaan go’onaan doono hannaanka awood qeybsiga 4.5 ee beelaha.

Labada dhinac ayaa u madlan inay heshiiskan si rasmi ah u saxiixaan saddexda bisha March ee foodda nagu soo heysa.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG