Waxaa caawa magaalada Boosaaso ay rag hubeysan toogasho ku dileen Suldaan Ciise Xasan Cumar oo ka mid ahaa salaadiinta ugu caansan Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.
Suldaanka ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray, waxayna bilaabeen baaritaan ay ku doonayaan inay ku ogaadaan cidda dilka geysatay.
Kooxdii hubeysneed ee dilkaasi geysatay ayaa baxsatay, lama oga dhinac ay ka tirsan yihiin.
Magaalada Boosaaso ayaa dhowr jeer oo hore ay uga dhaceen dilal ay geysanayeen kooxo ku kacsan maamulka Puntland iyo dilal mararka qeybteed lala xiriiriyo aanooyin qabiil.