Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain oo Koobka Ciyaaraha Adduunka Qaaday


Spain oo Koobka Ciyaaraha Adduunka Qaaday
Spain oo Koobka Ciyaaraha Adduunka Qaaday

Spain waxaa goolka u saxiixay ciyaaryahanka lambarka lixaad ee Andrey Inniesta, daqiiqadii 117aad.

Ciyaarta ay isku arkeen labada kooxood ee dalalka Netherland iyo Spain waxay ahayd ciyaartii ugu dambeysay ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkan uu marti geliyay dalka Koonfur Afrika.

Xafladii furitaanka ciyaarta waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacop Zuma iyo madax kale oo ka tirsan guddiga ciyaaraha adduunka ee FIFA. Madaxweyne Zuma ayaa garoonka dhexdiisa mid mid u salaamay ciyaaryahannada u safatay labada dal ee Netherland iyo Spain oo iyagu ciyaarta kama dambeysta ee Finalka isugu soo horay, wuxuuna u rajeeyay ciyaar wanaagsan.

Labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan. Qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxood midkoodna gool lama iman, balse haysashada ciyaarta waxaa lahayd Spain.

Qeybtii labaad markii laysugu soo noqday ciyaarta waxay ku bilaabatay dardar kale, labada kooxood waxaa soo maray fursado ay gool ku dhalin kareen. haysashada ciyaarta waxaa lahayd mar kael kooxda dalka Spain. Hase yeeshee si la mid ah iyadoo aan goolal la kala dhalin ayay dhammaatay 90-kii daqiiqo.

Waxaa ciyaarta lagu kordhiyay 30daqiiqo oo dheeraad ah.

daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay Spain la timid hal gool, sidaasi ayayna koobka ku qaaday. Waxaa Spain Goolka u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 6aad ee Inniesta.

Kaararka Huruuda

Netherland

Robin Van Perse lambarka 9aad daqiiqadii 14aad
Mark Van Bomel labmarka 6aad, daqiiqadii 21aad
Nigel de Jong lambarka 8aad, daqiiqadii 28aad
Giovani lambarka 5aad daqiiqadii 53aad
John Hetinga lambarka 3aad daqiiqadii 56aad
Argen Robin lambarka 11aad daqiiqadii 83aad

iyo ciyaaryahanka lambarka 4aad oo isna qaaday kaarka jaallaha.

Spain

Carles Puyol daqiiqadii 16aad
Sergio Ramos lambarka 15aad daqiiqadii 22aad
John Capdevila lambarka 11aad, daqiiqadii 66aad

Kaararka Cas

John Hetinga oo lambarka 3aad ayaa kaarka Huruuda la siiyay, daqiiqadii 109aad waqtiga dheeriga ee lagu daray ciyaarta.

XS
SM
MD
LG