Ciyaartii Semifinalka ee koobka adduunka oo ay caawa wada ciyaareen Spain iyo Germany waxaa 1-0 ku badisay Spain, tasoo ka dhigeysa in Spain ay markii ugu horeysay u soo baxdo ciyaaraha Finalka.
Spain waxaa goolka u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 5aad wata ee Carlos Puyol, oo madaxa ku dhaliyay ka dib markii la soo siiyay kubbad koorna ahayd, daqiiqadii 73aad.
Germany waxay isku dayday inay soo ceshato goolkaasi, hase yeeshee way u suurtoobi weyday.
Markii ugu horeysay ee Spain ay ciyaaraha Adduunka meel fiican ka gaarto waxay ahayd 1950-kii, markaasoo lagu reebay Semifinalka.
Ciyaarta ugu dambeysa ee Finalka oo dhici doonta Axada soo socota Spain waxay wada ciyaari doonaan kooxda Netherland oo aan weligeed qaadin koobka Adduunka.