Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guuleed Max'ed oo Maraykanka ku soo noqday


Guuleed Maxamed iyo hooyadii Bella Cali.
Guuleed Maxamed iyo hooyadii Bella Cali.

Guuleed Maxamed Xaaji oo ah wiil Soomaali Maraykan ah oo muddo ku xirnaa dalka Kuwait ayaa la soo daayay kuna soo laabtay Maraykanka.

Jimcihii ayuu soo gaadhay magaalada Washington DC, qareenkiisa ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ay muddo ku hayeen saraakiisha laanta Socdaalka.

Xafiiska Socdaalka ayaa sheegay in aanay su’aalo weydiin balse ay ka shaqaynayeen arrimo la xidhiidha socdaalkiisa.

Guuleed ayaa sheegay in intii uu ku xirnaa dalka Kuwait la jirdilay , su’aalana laga weydiiyay socdaal uu ku tagay dalka Yemen, halkaasi oo uu sheegay in uu u tagay si uu luqadda Carabiga u soo barto.

Warbixin ku saabsan soo noqoshada Guuleed Maxamed ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG