Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali iyo Ethiopian Ku Dhintay Tanzaniya


Ugu yaraan 43 qof oo ah muhaajiriin ka soo jeeda bariga Afrika, gaar ahaan Somalia iyo Ethiopia ayaa dhintay kaddib markii ay neef qabatoobeen. Dadkan ayaa saarnaa baabuur lagaga tahriibinayay waddanka Tanzania.

Dadkan ayaa la sheegayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan waddanka Malaawi. Warbaahinta Tanzania ayaa sheegtay in darawalkii baabuurka uu maydadkii dadkaasi ku daadiyay meel kayn ah. Dad kale oo tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 70 qof oo baabuurkaasi saarnaa oo ka bdabaaday shilkaasi ayaa lagu daweynayaa gudaha waddankaasi, iyado ay boolilskana su’aallo weydiinayaan.

Qaybata hoose ka dhageyso wareysi arrintaa ku saabsan.

XS
SM
MD
LG