Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali lagu Maxkamadeeyay Minneapolis


Soomaali lagu Maxkamadeeyay Minneapolis
Soomaali lagu Maxkamadeeyay Minneapolis

Waxaa shalay maxkamad lagu soo taagay magaalada Minneapolis, nin Soomaali ah oo loo haysto inuu taageeray kooxda al-Shabaab.

Nin Soomaali ah oo todobaadkan laga soo dhiibay dalka Holland ayaa shalay la soo taagay maxkamad federal ah, isagoo loo haysto eedeeymo la xiriira inuu taageeray kooxda al-Shabaab.

Maxkamadda oo ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minosota ee dalkan Maraykanka, ayaa sanadkii 2009-kii ku eedeeysay Maxamuud Siciid Cumar inuu si bareer ah u taageeray kooxda al-Shabaab iyo inuu maleegay shirqool dil ah, afduub iyo dhaawacyo loo geysto dad dibadda jooga.

Eedeeynta ayaa tilmaameysa in Maxamed Siciid Cumar dhalinyaro ku sugneyd magaalada Minneapolis uu siiyay lacag ay ugu safraan dalka Soomaaliya, si ay uga barbar dagaalamaan kooxda al-Shabaab.

Waxaa kaloo la rumeysan yahay inuu u safray magaalo ku dhow muqdisho si uu raggaasi u siiyo lacag ay ku iibsadaan hub, ayna helaan tababar argagixisinimo.

Eedeeysanaha shalay maxkamadda la soo taagay wax racfaan ah ma uusan qaadan intii uu maxkamadda ku sugnaa.

XS
SM
MD
LG