Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Shirkadaha Tilifoonada oo la Isku Xidhayo


Somaliland: Shirkadaha Tilifoonada oo la Isku Xidhayo
Somaliland: Shirkadaha Tilifoonada oo la Isku Xidhayo

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in ay dhawaan isku xidhayaan Khadadka Tilifoonada ee kala duwan.

Tallaabadan ayaa fududaynaysa in ay isla hadli karaan maacaamiisha haysta khadad tilifoon oo ay leyihiin shirkado kala duwan, kuwaasi oo aan hore iskula hadli karin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland, Xasan Cumar Hoorri, ayaa laanta af Soomaaliga ee VOA u sheegay, in bisha January ee soo socota la bilaabi doono hawshaasi.

Waxa kale oo uu sheegay ay arrintan isla meel dhigeen shirkadaha isgaadhsiinta ee ka hawlgala Somaliland, isaga oo tilmaamay in xeerka meel marinta mashruucani oo u imika hor yaallo Golaha Wasiirada oo la filayo in ay u gudbiyaan Golaha Wakiilada.

Waraysiga agaasimaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG