Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Saameynta Dadka Soo-galootiga ah


Somaliland: Saameynta Dadka Soo-galootiga ah
Somaliland: Saameynta Dadka Soo-galootiga ah

Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay siyaasado cad-cad kasoo saarto qaxootiga faraha badan ee reer Ethiopia ee dalkeeda ku nool

Qaxooti fara badan oo badankiisu ka yimid waddanka deriska ah ee Ethiopia ayaa dareen amni, mid dhaqaale, iyo mid dhaqanba ku abuuray mas'uuliyiinta Somaliland.

Qaxootigan ayaa iskugu jira qaar dhaqaale doon ah iyo qaar Somaliland u yimid iyagoo kasoo cararay cadaadis siyaasadeed.

Prof. Aadam Xaaji Cali oo ah sharci-yaqaan, Jaamacadda Hargeysa wax ka dhiga, ayaa sharxay in haddii siyaasado toosan la raaci waayo, laga yaabo in dhibaato ka timaado joogitaanka qaxootigani uu joogo Somaliand. Prof. Aadam ayaa sheegay in dawladda ay u baahantahay sharciyo kasoo saarto, laakiin ay ka taxadarto in qaxooti nacayb uu abuurmo.

Warbixinta oo dhameystiran, hoosta ka dhageysto.

XS
SM
MD
LG