Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo sii Deysay Diyaaraddii Saracen

A demonstrator falls after being hit by water cannon used by riot police to disperse the crowd during a protest against the destruction of trees in a park brought about by a pedestrian project, in Taksim Square in central Istanbul.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland ayaa sheegay in qalabka diyaaradda saarnaa ay ku wareejin doonaan Qaramada Midoobay.

Maamulka Somaliland ayaa sii daayay daayay diyaarad la sheegay inay qalab militari u siday Puntland oo ay u rarneyd shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Saracen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in sii deynta diyaaraddu ay timid ka dib markii ay fasaxday maxkamadda, xukuumadduna ay amarkaasi fulisay.

Diyaaradda ayaa laga rogay qalabkii militari ee ay sidday, iyadoona mas'uuliyiinta Somaliland ay sheegeen inay ku wareejin doonaan guddiga Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee qaabilsan kormeeridda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran.

Inkastoo mas'uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in diyaaraddaasi qalab militari u sidday Puntland, haddana ma jirto cid ka tirsan maamulka Puntland arrintaasi qirtay amma beenisay.

XS
SM
MD
LG