SOOL —
Wefti wasiiro ah oo ka socda dawladda Somaliland ayaa dhawaannadan socdaal ku marayay gobollada bariga Somaliland, waxaanay halkaa heshiisyo iyo shirar kula galeen garaaddada iyo madax-dhaqameedka deeggaannadii ay marayeen.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo u waramay VOA ayaa sheegay in heshiiskaas oo ka dhacay deegaanka Awr-boogeys ee Sool la iskula qaatay 5 qodob.
Wasiirka oo u warramaya Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa ugu horrayn ka warbixiyay waxa heshiisyadaasi ku saabsanaayeen.