Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goobjoogayaasha Caalamiga ah oo ku niyadsan Doorashada Somaliland


Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tartanka, xiddhiidhiyha goobjoogayaasha ayaa muujiyay niyad sami ku aaddan doorashada.

Xidhiidhiyaha goobjoogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socda hab sami u socodka ololaha doorashada Somaliland Aadan Yuusuf Abokor, ayaa VOAda u sheegay in ay ku niyadsanyihiin in doorashadu ay 26ka bishan si cadaalad ah u qabsoomi doonto.

Xidhiidhiyaha ayaa tilmaamay in ay kormeerayaan in dhamaan rukumadiii asaasiga u aha a doorasho madaxbanaan ay dhamaystiranyihiin.

Waxaana uu xusay in ay u muuqato in doorashadan ay ka hawl yartahay tii ka horaysay, isaga oo arrintaasi ku macneeyay in ay tahay diiwaangalinta oo hor joogsnaysa in ay dadku ku noq noqdaan goobaha codbixinta.

XS
SM
MD
LG